Somali News

Madaxii Booliska Amisom oo la sheegay in ay kamid noqotay dadkii ku dhintay diyaaraddi ku bur burtay Itoobiya.

Muqdisho-KNN-Ku-simihii Taliyaha Boliska ee AMISOM ee Soomaaliya , Kiristiine Alalo ayaa la xaqiijiyay in  ku geeriyootay Shilkii Diyaaradii Ethiopian Airlines ee shalay ku burburtay dalka Itoobiya.

Haweenaydan ayaa waxaa ay ka mid aheyd dadkii saarnaa diyaaradii ku bur burtay dalka Itoobiya.

Kiristiine Alalo Ku-simihii Taliyaha Boliska ee AMISOM ee Soomaaliya ayaa waxaa ay u dhalatay dalka Uganda waxaa ayna ku sii jeeday marka uu shilka dhacayay dalka Kenya, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan AMISOM.

Rakaabka saarna diyaarada ayaa waxaa ay tiradoodi aheyd 149 rabaak ah iyo 8 qof oo shaqaale ah kuwaas oo qof ka bad baadey aanu jirin

Diyaarada ayaa bur burtey kadib markii ay garoonka Addis Ababa ka soo dushay hawda-na ay ku jirtay muddo 6 daqiiqo ah waxaana ay ku dhacday meel 45 Km u jirta magaalada Addis Ababa