Somali News

Madaxweynaha Faransiiska “Israel ha joojiso duqeynta ay ku heyso carruurta iyo haweenka”

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa Israa’iil ugu baaqay in ay joojiso dilka carruur iyo haweenka Qaza.

Wareysi gaar ah oo uu siiyay BBC ayuu ku sheegay in aysan jirin wax sabab ah duqeynta ay u sii soco, isaga oo sheegay in xabad joojin ay faa’iido u leedahay Israa’iil.

Faransiiska – sida Israa’iil, Maraykanka, UK, iyo wadamada kale ee reer galbeedka – waxay Xamaas u arkaan urur argagixiso.