Somali News

Madaxweynaha Galmudug iyo Wakiilada Beesha Caalamka oo ka shiray muranka Doorashada

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta qadka internet ka shir kula yeeshay qaar ka mid ah wakiilada beesha caalamka.

Shirkaan oo uu soo qaban qaabiyay Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qeyb galay wakiilo ka kala socday Midowga yurub, Mareykanka, Ingiriiska, Sweden iyo midowga Afrika.

Shirka ayaa diirradda lagu saaray xaaladihii u danbeeyay ee hanaanka doorashada dalka ee 2021.

Wakiilada Beesha Caalamka ee loo soo gaabiyo C6+ ayaa wada kulamo looga hadlayo xalinta muranka Doorashada kuwaasi oo ay la yeelanayaan Madaxda dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Midowga Musharaxiinta.

Wakiilada ayaa hore ula kulmay madaxweyneyaasha maamul goboleedyada Puntiland iyo Jubbalanad.

Waxaa kale oo ay kulan la qaateen qaar kamid ah musharixiinta xilka Madaxweynenimo.