Somali News

Madaxweynaha Galmudug oo Maraykanka ka dalbaday iney kordhiyaan duqeynta ka dhanka ah AS

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cadi Kaariye Qoorqoor ayaa la kulmay saraakiisha Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ee AFRICOM ee ku sugan xeebaha degmada Hobyo.

Qoor Qoor iyo saraakiisha Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ee AFRICOM ayaa wada-hadlay xoojinta howlgallada ka dhanka ah dagaalka Al-shabaab, sida ay qortay wakaaladda SONNA.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa ka codsaday taliska Mareykanka inay laba jibbaaraan howlgallada dhinaca cirka ah ee ka dhanka Al-shabaab, iyadoo codsiga madaxweynaha ay aqbashay AFRICOM.