Somali News

Madaxweynaha Hirshabeelle oo shacabka deegaanka Guulane ugu baaqay dardar galinta dagaalka Al-shabaab

Madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen oo ayaa maanta booqasho ku tagay deegaanka Guulane, si uu shacabka deegaanka kala hadlo dardar galinta dagaalka Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa socdaalka waxaa ku wehliyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiiin, Guddoomiye Ku xigeenka Gobolka Shabeellaha Dhexe, Taliyaha Guutada 3aad Qeybta 27aad ee CXDS Taliyaha Ciidanka Booliiska Hirshabeelle iyo Masuuliyiin kale.

Madaxweynaha oo boqolaal dadweyne ah kula hadlayay deegaanka Guulane aya ugu baaqay inay usoo baxaan dhameystirta wajiga kowaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda dalka.