Somali News

Madaxweynaha Jubbaland oo Booqday Saldhigyo ku yaala duleedka kismaayo.

Kismaayo-KNN-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqday Deegaanada Baarsanguuni iyo Buulogaduud ee Gobolka Jubbada Hoose.

Deeganadan oo kal hore laga saaray Kooxda Al-Shabaab ayuu Madaxweynahu sheegay in ay Ciidamadu shaqo wanaagsan ka qabteen dhawaana la bilaabi doono howlgalo Cusub oo lagu xoraynayo deeganada kale ee Gobolka.

Madaxweynaha ayaa inta uu halkan ku sugan yahay la kulmi doona Sarakiisha iyo Ciidamada Jubbaland ee howlgalada ka wada deegaanadan.

Madaxweynaha waxaa socdaalkan ku weheliya Taliyaha Guud ee Ciidamada Jubbaland Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Taliyaha qaybta afartan iyo Sadexaad guutada kow iyo Tobnaad iyo Sarakiil kale.