Somali News

Madaxweynaha Kenya oo ka hadlay Weerarka Nairobi.

Muqdisho-KNN-Uhuru Kenyatta Madaxweynaha Dowladda Dalka Kenya oo daqiiqado ka hor shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Nairobi ayaa waxaa uu faahfaahiyay weerarkii ka dhacay Hotelka Riverside.

Waxaa uu sheegay Madaxweynaha in weerarka ay ku dhinteen 14 qof , isagoona tilmaamay In daqiiqado ka hor la soo  gaba gabeeyay weerarkii ka dhacay magaalada Nairobi.

Madaxweynaha dalka Kenya ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in dilay 4 dagaalamayaal  oo ka tirsanaa Al-shabaab, kuwaasi uu sheegay in weerarka ay ka fuliyeen dhismo ku yaalla Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Sidoo kale Madaxweynaha Uhuru Kenyatta ayaa  Waxaa uu tacsi u diray qoysaska ay ehelkooda waxyeellada ka soo gaartay,waxaa kale oo uu ku dhiirro geliyay in ay midnimada ku dadaalaan shacabka.

Xaalada Magaalada Nairobi ayaa weli kacsan, iyadoona Cabsi badan ay ka jirto maanta  guud ahaan Magaaladaasi