Somali News

Madaxweynaha Puntland oo isku shaandheyn ku sameeyay Golaha Wasiirrada

Madaxweynaha Maamulka Puntlad, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa isku shaandheyn ku sameeyay qaar kamid Golaha Wasiiradda, isaga oo magacaabay Xubno cusub.

Wareegto ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa u qorneyd sidaan:-

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 59 ee 23da Sibteembar 2022 kuna magacaabid Wasiiro ka tirsan Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad faqradiisa 5aad.

Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo Waayo-aragnimadooda shaqo.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dhamaystirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.

Markuu garawsaday: Shaqada baaxadda weyn ee shacabka Puntland ka sugayo xukuumadda.

Marku la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland

Wuxuu Xeeriyey:

B Bedel

  1. Waxaa Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad loo bedelaya Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda

T) Magacaabid

  1. Waxaa Cabdi Faarax Juxa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda.
  2. Waxaa Maxamed Siciid Maxamed (Faroole) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga
  3. Waxaa Maxamed Cabdiwahaab Axmed loo magacaabay Wasiiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta.
  4. Waxaa Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil (Sheikh Aduun) loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda.