Somali News

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo kormeeray Taliska Ciidanka PMPF

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo kormeeray Taliska Guud ee Ciidamada PMPF ayaa kulan la qaatay Agaasimaha Guud iyo hoggaanada Taliska.

Masuuliyiinta iyo Saraakiisha ciidamada ayaa Madaxweynaha Puntland Warbixin ka siiyay shaqooyinka Amni ee u qabsoomay, tababarada ciidanka, dedaalada socda iyo shaqooyinka qorshaysan.