Somali News

Madaxweynaha Senegal oo eryay Wasiirkii Caafimaafka, ka dib dab ka kacay Isbitaal

Madaxweynaha Senegal Macky Sall ayaa xilka ka qaaday wasiirkii caafimaadka Abdoulaye Diouf-Sar, kaddib markii 11 carruur ah ay ku dhinteen musiibo ka dhalatay dab ka kacay isbitaal ay dowladdu leedahay.

Madaxweyne Sall ayaa soo saaray wareegto uu Dr. Marie Khamis Ngoum Ndiaye u magacaabay wasiirka caafimaadka iyo shaqada bulshada, waxaana ay badalaysaa Abdullah Diouf Sar, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay madaxtooyada.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Caafimaadka, intaan xilka loo magacaabin waxa ay ahayd Agaasimaha Guud ee Caafimaadka Guud ee dalka.

Masiibadan oo ay ku dhinteen 11-carruur ah oo ku jiray cisbitaalka guud ee magaalada Tifwani ee galbeedka dalkaasi, ayaa waxay dhalisay caro, waxayna markale soo bandhigtay xaaladda cakiran ee dhanka caafimaadka ee dalkan saboolka ah.