Somali News

Madaxweynaha Soomaaliya iyo R/wasaaraha Itoobiya oo caawa ku sii jeeda Kenya.

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa caawa Ku sii jeeda dalka kenya.

Madaxda dalalka soomaaliya iyo Itoobiya ayaa caawa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ay kula kulmi doonaan madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata.

Waxaa laga wada hadlayaa xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya sida uu KNN u sheegay Wasiiru dowlaha Arimaha dibadda Soomaaliya Cabdiqaadir Axmed Kheyr oo aan goordhaw wareystay.

Wixii ku soo kordha la soco.