Somali News

Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Magaalada Baydhabo

Wafdi uu Hogaaminayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shekh Maxamuud ayaa goordhow gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG Koofur galbeed, halkaas oo kaga qeyb gali doono gunaanadka Shirka Dib U-Heshiisinta Koonfur Galbeed.

Gudoomiyaha Gollaha Shacabka BFS Mudane Shekh Aadan Maxamed Nuur, Madaxweynaha Koofur galbeed iyo masuuliyiinta kale ee Golayaasha maamulka Koonfur Galbeed ayaa madaxweynaha iyo wafdigiisa ku soo dhaweeyay baydhabo.