Somali News

Madaxweynaha Soomaaliya oo ku wajahan dalka Uganda.

Muqdisho-KNN-Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta lagu wadaa  inuu  u ambabaxo dalka Uganda.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay inuu casuumaad rasmi ah  ka helay dhigiina dalka Uganda Yuweri Museveni, sida KNN u sheegeen masuuliyiin ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya.

Labada Madaxweynaha ayaa waxaa ay ka wadahadli doonaan qodobo ay ka mid yihiin amaanka, dhaqaalaha iyo horumarka labada dal.

Wararka qaar  ayaa sheegaya in labada hogaamiye ay  si gaar ah ay ugu wadahadli doonaan ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Dowladda Uganda ayaa Soomaliya waxaa ka jooga ciidamo fara badan, kuwaasi oo ku howgalla Magaca Amisom,  iyagoo dowladda Federaalka Soomaaliya ka caawiya dhanka amniga iyo dagaalka ay kula jirto dagaalamyaasha Al-Shabaab.