Somali News

Madaxweynaha Turkiga oo ku adkeeysanaya in Sweden aysan ku biirin NATO

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Arbacadii sheegay in Turkigu aanu ogolaan doonin in Sweden ay ku biirto gaashaanbuurta NATO, illaa iyo inta dalkoodu ogol yahay inay dhacaan mudaharaado lagu xumaynayo kitaabka barakaysan ee Quraanka Kariimka ah.

Dalka Turkiga ayaa in muddo ah hortaagnaa in dalalka Sweden iyo Finland ay ku biiraan isbahaysiga milateri ee dalalka reer Galbeedka, ka dib markii uu Turkigu si weyn uga carooday banaanbaxyo dhawr ah oo lagu qabtay Stockholm.

kuwaas oo kitaabka quraanka ah lagu gubay afaafka hore ee safaaradda Turkigu ku leeyahay Sweden, isla markaana deldelay sawirta Erdogan, iyo weliba in dalka Sweden uu martigeliyo xubno mucaarad ku ah Turkiga, kuwaas oo Turkigu ku daray liiska argagixisada.

Haatan waxaa dib loo dhigay shir muhiim ah oo ka dhici lahaa Brussels, kaas oo lagaga hadli lahaa xubinimada labadan dal, maadaama Turkigu uu si cad u sheegay inaanu u codaynayn in Sweden ay ku biirto gaashaanbuurta NATO.