Somali News

Madaxweynaha Turkiga oo ku baaqay tallaabo lagu ciqaabayo Faransiiska

Muqdisho-KNN-Madaxweyanaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, oo shacabka kala hadlay taleefishinka dowladda, ayaa ugu baaqay in aanay iibsan badeecadaha lagu soo sameeyey Faransiiska ee yaalla Turkiga.

Arrintan ayaa qayb ka ah isa seeg in mudo ah ka dhex socdey labada madaxweyne ee Faransiiska iyo Turkiga oo ay beryahanba warbaahinta isu marinayey eedeymo.

Toddoaabdkan ayuu Erdogan laba jeer waxa uu goobo fagaare oo uu ka hadlayey ku sheegay in madaxweynaha Faransiiska Emanuel Macron uu u baahan yahay in la baaro caafimaadka maskaxdiisa.

Macron ayaa Arbacadii cambaareeyey wax uu ugu yeeray “islaamiyiinta”, wacadna ku maray “inaanu ka tanaasuli doonin” sawir gacmeedyada loola jeedo Nebi Muxamed NNKH, kadib markii la gowracay Samuel Paty, oo ahaa macallin Faransiis ah oo ardaydiisa tusay sawir gacmeed loola jeedo Nebiga NNKH.

Guud ahaan shucuubta dunida Islaamka ayaa aad uga carootay hadalka Macron, waxayna dalalka Islaamku joojiyeen badeecadihii uga imaan jiray Faransiiska, iyadoo ciqaab looga dhigayo gefka uu diinta suuban ee Islaamka u geystay madaxweynahooda.

Meelo ka mid ah Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Burco ee Somaliland waxaa maanta ka dhacay banaanbaxyo looga soo hor jeedo gefka uu Faransiisku kula kacay Nebi Muxamad NNKH.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee Soomaaliya ay berri ka dhacaan banaanbaxyo waaweyn oo ka dhan ah gefka madaxweynaha Faransiiska Emanuel Macron.