Somali News

Madaxweyne Deni oo loo kordhiyay waqtiga uu ku soo magacaabayo Wasiiradiisa.

Garoowe-KNNMadaxweynaha Cusub ee Maamulka Puntland  Siciid Cabdulaahi Deni ayaa Maanta  hortagay xildhibaanada Baarlamanka Maamulkaasi,  isagoona u gudbiyay codsi ku saabsan in muddo kordhin lagu sameeyo wakhtiga uu ku soo magacaabayo golaha Wasiirada ee Maamulkaasi.

Madaxweynaha ayaana codsaday in muddo 14 cisho ah loogu daro Wakhtiga uu ku soo dhisayo xukuumadiisa.

Intaa kadib Mudanayaasha Baarlamaanka maamulka  Puntland ayaa cod aqbaliyad leh ku meelmariyay codsiga madaxweynaha Maamulka Puntland.

Waxaana la dhowrayaa waqtiga uu shaacin doono Golihiisa Wasiirada ee Maamulka Puntland.