Somali News

Madaxweyne Donald Trump ayaa qirtay in wiilkiisa uu la kulmay Ruushka

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa markii ugu horeysay qirey in wiilkiisa Trump Jr uu la kulmay garyaqaan Ruush ah si uu “xog uga helo qof lid ku ah”, balse waxa uu ku adkaysanayaa in kulankaas uu ahaa mid sharci ah.

Waa hadalkii ugu toosnaa ee arrimahan ku saabsan ee laga hayo Trump.

Baaraha gaarka ah Robert Mueller ayaa baaraya warbixin hay’adaha sirdoonka Maraykanka ay heleen oo ku saabsan faragalin Ruushka ay ku sameeyeen doorashadii Maraykanka 2016-kii, taas oo loogu xaglinayay Trump.

Madaxweynaha ayaase beeniyay in ay jireen waxyaabo laga wada shaqeeyay.

Dowladda Ruushka ayaa sidoo kale si is daba joog ah u beenisay in ay faragaliyeen doorashooyinka Maraykanka.

Maalintii axadda ayay warbaahinta kala duwan ee CNN, Washington Post iyo wakaalada wararka ee AP waxa ay baahiyeen in Trump uu ka walwalsanyahay in wiilkiisa laga yaabo in uu galay dhibaato xagga sharciga ah, kadib kulankii uu la yeeshay dad Ruushka ka socda. Warbaahinta ayaa soo xiganayay illo wareedyo kala duwan.

Balse Trump ayaa ku jawaabay “Warbaahinta been abuur ayay baahinayaan, waa wax aan sal iyo raad lahayn, in aan aniga ka walwalsanahay kulanka wiilkeyga qaaliga ah uu ku yeeshay dhismaha Trump Tower, kulanka wuxuu ahaa mid uu xog oga raadinayay qof mucaarad nagu ah, kulankana wuxuu ahaa mid sharciga waafaqsan”.

Trump ayaa intaas ku daray in uusan kaba warhaynin kulanka.

Balse dhibka jira ayaa ah in hadalkan cusub uu burinayo hadaladii hore ee uu sheegay.

Markii wargeyska New York Times uu koowdii tabiyay kulanka, Trump waxa uu sheegay in wiilkiisa iyo garyaqaanka Ruushka ah ay ka wada hadleen arrimo la xiriira barnaamij ay dowladda joojisay oo ku saabsanaa carruur Ruushka u dhashay oo ay korsan jireen dad American ah.

Haddase waxa uu sheegay in kulanka uu ku saabsanaa musharixii la tartamaysay Hillary Clinton.

Waa wax iska caadi ah in siyaasiyiinta Maraykanka ay daraasad ku sameeyaan dadka ay siyaasadda isaga soo horjeedaan.

Balse qubarada sharciga ayaa sheegay in Trump uu ku jiro gef sharciyeed, lagana yaabo in uu ku xad gudbay sharciga mamnuucaya in dowlad shisheeye laga qaato lacag ama wax uun faa’iido u leh ololaha doorashada.

Trump ayaase sheegay in xog wax yeeleyn kartay Clinton aysan uga soo bixin kulanka, waxayna ku adkaysanayaan in kulanka uusan jabinin wax sharci ah.

Bbcsoomaali.