Somali News

Madaxweyne Farmaajo iyo R/wasaaraha Itoobiya oo kulan yeeshay.

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo tagay dalka Itoobiya ayaa kulan la yeeshay R/wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wada hadallo mira dhal ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed, waxaana laga wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, nabadgelyada gobolka iyo dardargelinta is-dhexgalka dhaqaalaha Geeska Afrika.

Labada masuul ayaa waxaa ay sidoo kale ka hadleen amniga, dhaqaalaha iyo horumarka ka jira geeska afrika.

Wararka qaar ayaa sheegaya in labada masuul ay ka wadahadleen xiisada siyaasadeed ee u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya.