Somali News

Madaxweyne Farmaajo oo tagay Baydhabo.

Baydhabo-KNN- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay.

Masuuliyiin iyo dadweyne aad u fara badan ayaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay.

Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdigiisa ayaa waxaa ay ka qeyb galayaan caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdi Casiis Lafta gareen.

Shalay waxaa Magaalada Baydhabo tagay Wafdi uu hogaaminayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdi Raxmaan iyo Masuuliyiin ka socda Maamulka Puntland.