Somali News

Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug oo tababar u soo xiray Ciidamo ka tirsan kuwa Galmudug.

Muqdisho-KNN-Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa Degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud, Tababar ugu soo xiray Degmada ciidan Cusub oo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Galmudug.

Munaasabadan lagu soo bandhigayay Ciidankaan soo dhamaystay Tababarka ayaa xalay lagu qabtay Madaxtooyada Cabudwaaq  waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda Galmudug, Saraakiil, Maamulka Degmadda. Iyo  Qaybaha kala duwan ee Bulshada Caabudwaaq.

Ciidamada ayaa soo bandhigay xeeladihii iyo xirfadihii ay tababarka ku soo qaateen taasoo si wayn u loogu riyaaqay.

Soo bandhigista Ciidamadaan tabobarka loo soo xiray ayaa kusoo aadeyso xili Degaano badan oo ka tirsan Galmudug ay gacanta ku hayaan Al-shabaab sidoo kalana weeraro ka geeystaan degaano u dhaw magaalada casimadda u ah Galmudug ee dhuusamareeb.