Somali News

Madaxweyne Qoor iyo Al-ashcari oo kulan ku yeeshay Dhuusmareeb

Warar ay heshay KNN ayaa sheegaya in wadahadal uu magaalada Dhuusamareeb uu xalay uga bilowday Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo Sheekh Cabdirisaaq Ashcari oo kamid ah hoggaanka Ahlusunna Wal-jamaaca.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in kulanka uu ahaa mid Albaabada ay u xirnaayeen, iyadoona kulankooda la sheegay inuu bilow u yahay  wada-hadallo dhex-mara Madaxda Galmudug iyo Hoggaanka Ahlusunna .

Madaxweyne Qoor iyo Al-ashcari ayaa la sheegay in ay isku raaceen in markale kulan kale la isugu yimaado si meesha looga sii amba qaado wada-hadal dhex-mara Madaxda Galmudug iyo hoggaanka Ahlusunna.

Talaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii  Madaxda ururka Ahlusunna dagaal looga saaray degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ee degaannada Galmudug oo in mudo ah ay maamulayeen.