Somali News

Madaxweyne Xaaf oo Muqdisho kula kulmay Madaxweyne Farmaajo

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo galabta soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhaweeyey mas’uuliyiin katirsan labada Gole ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xaaf oo warbaahinta kula hadlay garoonka ayaa sheegay in Muqdisho oo uu muddo ka maqnaa u yimid in madaxda qaranka uu kala xaajoodo sidii loo samata bixilahaa Soomaaliya looguna sameyn lahaa dib u heshiisiin dhab ah.

isla galabta Madaxweyne Xaaf ayaa kulamo la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo xubno kale oo ka tirsan golayaasha Dowladda.Madaxweyne Xaaf ayaa Muddo hal sano ka badan aan imaan Magaalada Muqdisho, waxaana jiray Khilaaf kala dhaxeeyey dowladda Federaalka, kaas oo maalmo kahor ay magaalada Cadaado xal uga gaareen isaga iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre.