Somali News

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Wafdi ka socda dowladda Talyaaniga

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta qaabilay Wafdi ka socda dowladda Talyaaniga oo uu hoggaaminayey ku xigeenka Xoghayaha difaaca dalkaas Mudane Matteo Perego.

Madaxweynaha iyo Wafdiga dowladda Talyaaniga ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ay wadaagaan labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada amniga iyo la dagaallanka argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wafdiga dowladda Talyaaniga la wadaagay howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda dalka.