Somali News

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay hoggaanka ugu sareeya Ciidanka Xoogga

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa la kulmay hogaannada taliska Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed.

Hogaannada taliska CXDS ayaa la wadaagay Madaxweynaha qorsheyaal ku saabsan dagaalka Al-shabaab ee ka socda dalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladdu ay qorshe cad ka leedahay dhammeystirka baahiyaha ciidanka iyo dalacsiintooda, waxa uuna saraakiisha iyo guud ahaan ciidanka kula dardaarmay in ay xoojiyaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Kualnka waxaa ka qayb galay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxudiin, Taliyaha Ciidanka Lugta ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye Guuto Axmed Aadan Cali iyo hoggaannada kala duwan ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.