Somali News

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Guddoonka Baarlamaanka

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb kulan kula yeeshay Guddoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdixaashi Cabdullahi oo ay wehliyaan Xildhibaano ka tirsan golaha Baarlamaanka.

Madaxweynaha ayaa guddoonka Baarlamaanka warbixin ka siiyey guulaha ay gaareen Ciidanka Xooga Dalka iyo kuwa deegaanka, waxaana uu tilmaamay in uu sii socon doono dagaalka.

Labada Guddoomiye ayaa Madaxweynaha ku bogaadiyay doorkiisa hogaamineed ee la dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab eek a socda dalka.