Somali News

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Saraakiisha Ciidanka Xoogga

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa la kulmay Saraakiisha guutooyinka Gorgor ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa Saraakiisha ka dhageystay warbixinno ku saabsan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda gobolada dalka.

“Waxaad ku jirtaan dagaal waafaqsan mabaadii’da Shareecada Islaamka loogana helayo ajar Alle agtiisa. Wadankaan wadadii uu ku gaari lahaa sharafta iyo karaamada umadaha kale leeyihiin ayaad naftiina u hureysaan, dowlada iyo shacabka Somaaliyeedna waa idin garab taaganyahay.” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa saraakiisha ku boggaadiyay in ay xoojiyaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda dalka.