Somali News

Madaxweyne Xasan Sheekh oo waraaqaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay safiirka Midowga Yurub

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa waraaqaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Midowga Yurub Marwo Karin Johansson.

Danjiraha Cusub ee Midowga Yurub Marwo Karin Johansson oo dowladda iyo shacabka soomaaliyeed ugu hambalyeysay guulaha laga gaaray dagaalka Al-shabaab ayaa Madaxweynaha la wadaagtay dadaalka ay ku bixin doonto adkaynta xiriirka iyo wadashaqaynta ka dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Danjire Karin ayaa ka wada hadlay xoojinta taageerada Midowga Yurub ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan howgallada sifeynta Khawaarijta iyo sigidda amniga dalka, Madaxweynaha ayaana u xaqiijiyay Danjiraha in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda ula shaqeyn doonto, una fududayn doonto gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo igmaday.