Somali News

Madaxweyne Xasan Shiikh oo kulamo la yeeshay Bulshada Galmudug

Madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Shiikh Maxamuud oo uu weheliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye ayaa kulan la qaatay nabaddoonada iyo odayaasha dhaqanka ee Galmudug.

Madaxweynaha ayaa ka dhageystay odayaasha warbixin guud oo ku saabsan xaaladaha kala gedisan ee deegaanka iyo arrimaha la xiriira dhab-u-heshiisiinta bulshada Galmudug.

Madaxweynaha oo ku bogaadiyay nabaddoonada iyo odayaasha dhaqanka kaalintooda muhiimka ah ee ay ku leeyihiin isu soo dhaweynta ummadda, ayaa ku boorriyey sii wadadidda dadaalkooda, waxa uuna u xaqiijiyey in dowladdiisu ay mudnaan siin doonto dhab-u- heshiisiin waarta oo ka hirgasha guud ahaan Soomaaliya.