Somali News

Madaxweyne Xasan Shiikh “Shacabka ha fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin Al-shabaab”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya,  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan wadatashi ah Magaalada Dhusamareeb kula qaatay guddoonka iyo Xildhibaanada BFS, siyaasiyiin iyo saraakiil ka tirsan ciidamada qaranka ee ka howlgala furimaha dagaalka.

Kulankaaasi waxaa dhinacyada ka qeybgalay ay ka arrinsadeen dardar galinta dagaalka Al-shabaab,iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh   oo ka hadlay kulankaasi uu xaqiijiyay sida ay dowladda uga go’an tahay la dagaalankaasi.

Madaxweynaha ayaa dagaalameyaasha Al-shabaab ugu baaqay in ay isku soo dhiibaan Dowladda, isla markaasna ay dadkooda ka mid noqdaan.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shacabka ku sugan goobaha ay joogaan Al-shabaab in ay isaga fogaadaan, si aan loo duqeyn.