Somali News

Madaxweynihii hore ee dalka Cabdiqaasim oo ka hadlay dagaalka ka dhanka Al-shabaab

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa ka hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda dalka, isaga oo baaq u diray shacabka Soomaaliyeed.

Muuqaal laga soo duubay ayuu Madaxweyne Cabdiqaasim oo hadda degan magaalada Qaahira ee dalka Masar ayuu Shacabka ugu baaqay in ay garab istaagaan dowadda, si looga adkaado dagaalameyaasha Al-shabaab.

Isaga oo sii hadlaya ayuu Al-shabaab ugu baaqay dhibka ka daayaan shacabka Soomaaliyeed, isla markaasna ay wada hadal la furaan Madaxda Dowladda.

“Nimankaasi, waxaan leeyahay dagaalka joojiya oo la hadlay madaxdiinna iyo dowladdiinna” ayuu raaciyay.

Hadalka Madaxweyne Cabdiqaasim ayaa ku soo aadaya xilli howgal ka dhan Ah Al-shabaab uu ka socdo dalka.