Somali News

Malaayiin ruux oo u dareertay doorashada dalka Australia

Muqdisho-KNN-Dadka reer Australia ayaa maanta oo sabti ah u dareeray goobaha cod bixinta si ay usoo doortaan Baarlamaanka iyo Ra’iisul Wasaaraha xiga ee dalkaasi. 

Ku dhawaad 16.5 milyan oo ruux ayaa loo diiwaangaliyay in ay ka qayb qaataan doorashada maanta balse inkabadan 4.7 milyan oo ruux ayaa codkooda dhiibtay jimcihii.

Goobaha codbixinta ayaa furnaan doono sideeda subaxnimo illaa iyo labo iyo tobanka maqribnimo saacada maxaliga ah ee dalkaasi.

Xisbiga ku guulaysto aqlabiyada aqal hoose ayaa soo dhisi doono dowlada iyadoona natiijada doorashada lagu dhawaaqi doono galinka dambe ee maanta ama saacadaha hore ee maalinnimda Axadda.

Doorashada oo ah mid aad u adag ayaa waxaa hareeyay ka doodista wax kaqabashada isbadalka cimilada iyo dhaqaalaha.