Somali News

Maraykanka oo Gacanka Beershiya kala baxay markab dagaal oo ka joogay

Washington-KNN- Waaxda difaaca Maraykanka ee Pentagonka la yiraahdo ayaa xaqiijisay in markab nooca dagaalka ah oo taagnaa gacanbiyood Pershiya uu hadda ka dhaqaaqay taasoo muujinaysa inay meesha ka baxday duulaan Maraykanku ku qaado dalka Iran.

Markabkaan oo nooca dagaalka ah oo la yiraahdo USS Nimits ayaa ka dhaqaaqay gacanka Pershiya waxaana uu u dhaqaaqay dhanka badweynta Baasifigg,ga.

Afhayeenka waaxda difaaca Maraykanka Joon Kirbi ayaa sheegay in amar kasoo baxay m/weynahooda Joo Bidhen loo dhaqaajiyay mid ka mid ah maraakiibkooda dagaal ee gobolka joogay.

Afhayeen ma uu shaacin in markabkaan oo nooca diyaaradaha dagaalka iyo gantaalada qaada uu Maraykanka dib ugu laabanayo iyo in kale.

Markabkaan USS Nimits la yiraahdo oo ka mid ahaa maraakiib uu gobolka geeyay m/weynihii hore Donald Traam ayaa aad dhawr mar ugu dhawaaday biyaha dalka Iran taasoo dhalisay in labada dawladood dagaal dhex maro.