Somali News

Mareykanka iyo Kenya oo ka wada hadlay dagaalka Al-shabaab

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa kulan la yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Antony Blinken.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay iskaashiga istiraatijiyadeed ee muddada dheer’ ee ay Kenya la wadaagto Maraykanka  ee nabadda iyo xasilloonida caalamka.

Mareykanka ayaa sidoo kale Kenya ku ammaanay dagaalka ay Kenya kula jirto dagaalameyaasha Al-shabaab ee gudaha Kenya iyo qeybo kamid ah Soomaaliya.

Kulanka labada mas’uul ayaa ka dhacay magaalada Newyork oo uu ka socdo shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay.