Somali News

Mareykanka iyo Q.M oo ka hadlay weerarka ka socda Kenya.

Muqdisho-KNN-Dowladda Mareykanka iyo QM waxaa ay  si kulul u cambaareeyeen weerarka ka socda Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa muujiyay in ay garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Kenya.

Sidoo kale war ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Nairobi ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu kala shaqeynayo Kenya sidii looga caawin lahaa amniga iyo xaqiijinta iyo ay jiraan muwaadiniin Mareykan ah oo waxyeelo soo gaartay iyo in kale.

Waxaa sii kordhaya khasaarihii ka dhashey  weerarkii ka dhacay Hotel Dusit2 ee xaafadda Wesland ee Nairobi,kadib markii kooxo hubaysan ay qaraxyo iyo rasaas ay ku weerareen halkaasi,balse ciidamada ammaanka ayaa dad badan ka badbaadiyay weerarkaasi.

Dadka dhaawacyada qaba ayaa lagu dabiibayaa isbitaalada kuyaala magaalada Nairoobi,kuwaasi oo isugu jira Kenyan iyo dad kale oo ajaanib ah oo ku sugnaa hotelka weerarka uu ka socda iyo ag agaarkiisa.