Somali News

Mareykanka oo wadamada khaliijka ugu baaqay in ay u midoobaan ladagaalanka Iran

Muqdisho-KNN-Gudoomiyaha gudiga arimaha dibadda ee qalka wakiilada dalka Mareykanka ayaa sheegay in ay haboontahay in wadamada ku yaalo gacanka carbeed ay u midoobaan sidii ay uga hortagi lahaayeen qatarta Iran.

Eliot Engal, ayaa yiri Mareykanka iyo Wadamada gacanka waxa ay wadaagaan fursado badan sida dhaqaalaha iyo ladagaalanka waxa loogu yeero argagaxisa.

Mareykanka ayaa wado olole cadaadiska loogu kordhinayo dalka Iran isagoona waayihii danbe dalka Iran kusoo rogayay cunaqabateeno hor leh.  

Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa iskaga baxay heshiiskii xakamaynta hubka Niyukleerka ee Iran sanadkii 2015’kii lagaleen wadamada ugu quawada wayn caalamka.  

Gudoomiyaha gudiga arimaha dibada ee aqalka wakiilada ayaa sidookale ku taliyay in xayiraada laga qaado dalka Qatar kaas oo sanadkii 2017’dii ay cunaqabateeyeen wadamada Sucuudiga, Baxrayn, Isutaga Imaaraatka Carabta, iyo Masar.

Wadamadan ayaana waqtigaasi ku eedeeyay dowlada Qatar in ay taageerto kooxaha argagaxisada balse Qatar ayaa iska fogeesay dhamaan eedeemahaasi.