Somali News

Masar oo Xabsiga ka sii daysay gabar Soomaali ah oo iska difaacday nin isku dayay in uu kufsado

Shariif Abul Fadl, Xeer ilaalinta guud ee dalka Masar ayaa amar ku bixisay in la sii daayo gabar Soomaali ah uu ku socday baaritaanka dil loo geystay darawal Mooto Tuk-tuk ah oo mindi lagu dilay kadib markii uu isku dayay in uu u kufsado.

Baaritaanka ay samaysay Xeer-ilaalinta dalka Masar ayaa waxaa lagu oggaaday in gabadha ay dhowr jeer ninka u digtay, balse uu toorey la soo baxay, markaasi oo ay Gabadha Soomaaliga ah u suuragashay in ay gacan ku dhigto Mindida, iyadoo markii dambe ay ku muday.

Dhacdadan ayaa waxaa si wayn u hadal haya Bulshada Soomaalida iyo Masaarida, kuwaasi oo gabadha ku amaanay falka ay sameysay oo ahaa in ay ninkaasi hamiyay Nafteeda ka difaacay.