Somali News

Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland oo ku baxay Colaad ka taagan deegaan ka tirsan Gobolka J/hoose

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland ayaa ku baxay xallinta xiisad dagaal oo ka taagan deegaanka Diif ee Gobolka Jubbada Hoose, taasi oo dhaxeysa Beelo halkaasi wada daga.

Xubnahan Xildhibaannada ayaa lagu wadaa in ay gogol u fidiyaan labada beel ee deegaankaasi isku dagaalay, isla markaasna la dhammeeyo colaada.

Colaada ayaa salka ku haysa aano qabiil,
Taasi oo la xiriirta dilka saddex qof oo rayid ah oo  maleeshiyaad hubeysan ay ku dileen deegaanka Diif, iyaga oo kadib goobta isaga baxsaday.

Dadka la dilay ayaa ahaa isku qoys, sida ay  sheegeen ilo deegaanka ah.