Somali News

Maxaa ka jira in Wasiirka Amniga Jubbaland lagu xiray Muqdisho?

Muqdisho-KNN-Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur Janan ayaa maanta lagu xiray Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, xilli uu Transit ku ahaa kuna sii jeeday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland gaar ahaan wasaaradda amniga oo uu wasiir ka yahay ayaa KNN u xaqiijiyey  in Cabdirashid Janan uu ku xiran yahay xabsi ku yaala  gudaha garoonka Aadan-Cadde ee Muqdisho.

Horay ayaa Janan loogu soo eedeeyey inuu dambiyo dagaal ka geystay gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya, wallow markii dambe ay Maxkamadda gobolka Banaadir baabi’isay dacwadii ka taalay, waxuuna bilo ka hor Muqdisho u yimid howlo siyaasadeed isagoo dib ugu laabtay Kismaayo.

Wasiirka amniga Jubbaland ee maanta lagu xiray Muqdisho ayaa aad ugu dhaw siyaasad ahaan Madaxweynaha maamulka uu wasiirka ka yahay ee Jubbaland.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xildhibaano ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ay gaareen halka uu wasiirku kaga xiranyahay Garoonka Muqdisho, isla markaana ay halkaas ka wadaan dadaalo lagu sii deynayo.