Somali News

Maxaa ka soo kordhay qaraxii ka dhacay Bar kontorool oo ku taala Daljirka daahsoon ee Muqdisho

Muqdisho-KNN-Qarax uu fuliyay ruux is miidaamiyay oo watay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa barqanimadii maanta waxa uu ka dhacay Bar Koontorool oo kutaala agagaarka taalada daljirka daahsoon, taasi oo lagu hubiyo gaadiidka galaya Madaxtooyada Soomaaliya.

Ku dhowaad 20 qof ayaa dhimatay tiro intaasi ka badana dhaawacyo ayaa ka soo gaaray, dadka qaraxaas ku dhintay ayaa waxaa ka mid ah Korneyl ka tirsanaa Ciidanka xooga dalka.

Weriyaal ka socday KNN oo durbaba gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa la kulmay Askari ay qaraxa ku wada geeriyoodeen Askartii iyo mas’uuliyiintii la socotay, balse uu isagu ka badbaaday.

Askariga ayaa sheegay in markii uu qaraxu dhacayay uu ku sugnaa barta Kontorool si ID-kaarka aqoonsiga oo lagu siideyn lahaa uu ugu geeyo Askarta ilaalada ka heysay goobta.

Askariga ayaa wariyaasha u sheegay in ay gabi ahaanba qaraxa ku dhinteen G/Sare Faay Cali Raage, Seygeedii, Wiil ay Dhashay iyo Sedeed Askari oo isaga oo kaliya uu ka badbaaday.

G/Sare Faay Cali Raage oo la sheegay in gaariga is miidaamiyay lagu dhiftay gaarigii ay saarneed, ayaa la sheegay in ay eheyd umul dhalneed 18 cisho oo kaliya.