Somali News

Maxaa ka soo kordhay weerarkii ka dhacay New Zealand

Muqdisho-KNN-Ugu yaraan 49 Qof ayaa ku geeriyootay, 20 kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo culus , markii ay Dableey Hubeysani weerar ku qaadday Laba Masjid oo ku yaalla Degmada Christchurch ee Dalka New Zealand.

Ra’iisul wasaaraha Dalka New Zealand, Jacinda Ardern , ayaa saxaafadda u sheegtay in ay tallaabadani tahay mid Argagixiso oo si weyn loo soo qorsheeyay.

Kooxda weerarka geysatay ayaa la aqoonsaday, waxaana la sheegay in ay ahaayeen Saddex Rag ah iyo Haweeneey, kuwaasoo qaarkood ka yimid Waddamo kale kana mid cunsuriyiinta neceb soo galootiga.

Geerida Dadka Soomaaliyeed ee halkaasi ku dhintay ayaa iminka maraysa Afar Qof, laamaha gurmadkuna waxa ay la tacaalayaan dhaawacyadii ka dhashay weerarrada lagu qaaday Labada Masjid.

Dadka dhintay oo lagu kala Magacaabo, Sheekh Muuse Nuur Cawaale, oo ahaa Macallin Dugsi, Sheekh Cabduqaadir iyo Cabdullaahi Aadan Diiriye oo ah Wiil Lix Sano jir ah, halka uu dhaawac kasoo gaaray Aabihii oo la yiraahdo, Aadan Diiriye.

Ninkii weerarka geystay ayaa iska duubay muuqaal uu xitaa wajigiisa ku qabanayo kaamirada, kadibna waxa uu galayaa masaajidka isaga oo ku hubeysan qoriga darandooriga u dhaca, wuxuuna markaliya rasaas oodda kaga qaadayaa dad koox koox u fadhiya meelo kala duwan masaajidka.

Waxa ay u egtahay in kaamirada ay ugu xirantahay koofiyad ama ookiyaalaha.

Booliiska waxa ay sheegeen in ay xireen illaa 3 nin iyo qof dumar ah oo la tuhunsanyahay.