Somali News

Maxaa looga hadlay kulanka Golaha Wasiirada ee XFS?

Ra’iisul wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi ayaa caawa guddoomiyay kulan deg deg ah oo ay yeesheen Golaha Wasiirrada.

Golaha Wasiirrada ayaa caawa ansixiyay heshiis la xariira Iskaashiga, milatariga, amniga iyo la dagaalanka Argagaxisada oo ay horay u gaareen Soomaaliya iyo dowladda Imaraadka Carabta.

Sidoo kale Golaha ayaa wadajir u ansixiyey Xeerka Gaadiidka Badda oo ay soo gudbisay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Hindise-sharciyeedka Horumarinta iyo Maareynta Kalluumeysiga Soomaaliya oo ay soo gudbisay Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Buluugga ah.

Heshiiska iyo hidise sharciyeedka ayaa waxaa la filayaa in hor geeyo Baarlamaanka Soomaaliya si uu u dhaqan galo.