Somali News

Maxaa looga hadlay shirka golaha wasiirada Jubbaland?.

Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ahna Madaxweyne ku xigeenka labaad Cabdqaadir Xaaji Maxamuud ayaa shir gudoomiyey kulanka todobaadlaha ah ee golaha wasiirada Jubbaland.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa ugu horeyn golaha warbixin ka siiyey xaaladda Siyaasada iyo Amniga guud ee deegaanada Jubbaland.
Shirka golaha wasiirada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa sidoo kale looga hadlay fulinta heshiisyadii doorashooyinka ee ay madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah ku gaareen shirkii Muqdisho.

Sidoo kale waxaa shirka golaha wasiiradda looga hadlay dhismaha golaha deegaanka ee degmada Afmadow, waxaana goluhu ay ku bogaadiyeen Wasaaradda arrimaha gudaha Jubbaland oo ku guuleysatay dhismaha Golaha deegaanka ee degmada Afmadoow ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana la isla gartay in golayaasha deegaanka ee degmooyinka kalena sidaa loo dhiso si shacabka loogu daadajiyo awoodda maamulka.

Sidoo kale waxaa shirka golaha wasiirada looga hadlay hadlay arrimaha doorashooyinka dalka iyo marxalada kala guurka ah ee uu dalku ku jiro.