Somali News

Maxaabiis Shabaab ah oo ka dhex dagaalamaya Xabsiga Dhexe ee Xamar iyo wararkii u dambeeyey

Muqdisho-KNN-Waxaa weli rasaas laga dhex maqlayaa xabsiga dhexe ee Xamar, halkaas oo galabta uu bilaawday weerar u dhaxeeya ciidamada ilaalada xabsiga iyo qaar ka mid ah maxaabiistii ku xirneyd xabsiga dhexe ee Muqdisho.

 Sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan ciidamada ammaanka kooxda ka dhex dagaalameysa xabsiga waxay adeegsanayaan bastoolado iyo bamboo-gacmeedyo.

Sidoo kale waxay sheegeen saraakiishan in la toogtay qaar ka mid ah ciidamadii ilaalada ka ahaa xabsiga dhexe.

Maxaabiistan ayaa la aamisan yahay inay ugu xirnaayeen xabsiga dhexe inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab.

Sarkaal ka tirsan laamaha amniga oo magacisa codsaday in aan la sheegin ayaa warbaahinta u sheegay in illaa afar ka tirsan maxaabiista oo u xukuman Al-Shabaab-nimo ay weerarkan ku lug leeyihiin, isla markaana ay weli xabsiga ka dhex dagaalamayaan.

Wararku waxay intaas ku darayaan in weerarkan uu ka socdo qaybta xabsiga dhexe ay uga xiranyihiin maxaabiista ku xukuman xabsi daa’inka.

Ciidamada ilaalada xabsiga ee Asluubta iyo kuwo kale oo boolis ah ayaa weli la tacaalaya soo afjaridda weerarkaas.

Waxaan sidoo kale illaa hadda si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalkaas oo socda in ka badan saacad.