Somali News

Maxay ka wada-hadleen Kheyre iyo Ismaaciil Cumar Geelle?

Jabuuti-KNN-Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo haatan ah musharax madaxweyne.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo arrimo la xiriira doorashooyinka loo balansanyahay 2020/2021-ka ee Soomaaliya.

Socdaalkan Xasan Cali Kheyre uu ku tegay Jabuuti waa kii ugu horeeyay ee uu dalka uga baxay tan iyo markii xilka laga qaaday 25-kii bishii July ee sanadkan.

Kheyre oo ku dhaawaaqay in uu yahay musharax madaxaweyne ayaa hadda la aaminsanyahay inuu bilaabay ololihiisa, sidoo kale musharaxiin aad u badan ayaa iyaguna ololahooda doorashada ka bilabay magaalooyin ay ugu horeeyaan Muqdisho iyo Nairobi.