Somali News

Maxay ka wadahadleen Cali Guudlaawe iyo Safiirka Ingiriiska?.

Madaxweynaha Dowladd goboleedja Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa kulan la qaatay Safiirka Dowlada Ingiriiska ee Soomaaliya Ambassador Kate Foster.

Kulankaan ayaa looga hadlayay Arrimaha Doorashooyinka ilaalinta qoondada haweenka Amniga Bini’aadanimada iyo dhismaha gole yaasha deegaanka.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay baaxada dhibaatada ka dhalatay fatahaadaha wabiga shabeelle isagoo ugu baaqay in loo gurmado dadkii ka barakacay fatahaadihii ka dhacday Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa Dowladda Ingiriiska ka dalbaday taageerada tababarada ciidamada booliiska iyo Daraawiishta si ay ugu filnaadaan amniga guud ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.