Somali News

Maxay ka wadahadleen R/wasaare Rooble iyo guddiga loo xil saaray maalmaha xorriyadda?.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa warbixin ka dhageystay Guddiga qabanqaabada Munaasabadaha Maalmaha Xorriyadda isagoo kula dardaarmay in ay dardar geliyaan howsha loo xilsaaray.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe ayaa faahfaahin ka bixiyay shirka waxyaabaha looga hadlay, waxaa uu sheegay in guddiga ay u diyaar garoobeen qabashada munaasabadaha maalmaha xorriyadda.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in munaasabadaha maalmaha xorriyadda sanadkan ay ka duwanaan doonto sanadihii hore