Somali News

Maxay kawada hadleen Muuse Biixi iyo James Swan?

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan iyo saraakiil sar-sare oo ka tirsan hay’adaha WFP iyo UN Women ee Soomaaliya ayaa magaalada Hargeysa kula kulmay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ururrada bulshada rayidka ah iyo mas’uuliyiin kale.

Somaliland iyo qaramada midoobay waxa ay ku heshiiyeen inay sii wadaan wada-hadalkii iyo kulamadii ay uga wada xaajoonayeen arrimaha wada-shaqaynta hay’adaha qaramada midoobay iyo Somaliland, sidoo kale, waxa laga wada hadlay arrimaha doorashooyinka iyo taageerada qaramada midoobay ka gaysan karto.

Ergeyga Qaramada Midoobey Isagoo hadlayey kadib kulanla , waxa uu hoosta ka xarriiqay sida Qaramada Midoobay ay u taageerto dadka Somaliland, waxa uuna soo dhoweeyay doorashooyinka baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka ee soo socda: dhammaan saaxiibbadu “waxa ay quud-darreynayaan doorashooyinkan. ”