Somali News

Maxkamada ciidamada oo la horkeenay dad loo haysto dil ay geysteen

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya gaar ahaan qeybta 27 aad ayaa Maanta ay dhageysatay dacwad loo haysto dad lagu soo eedeeyay in ay gaysteen dil iyo gubitaan ruux lagu magacaabi jiray Ceyduruus Calaawi oo degganaa Magaalada Beledweyne.


Falkaan oo ka dhacay magaalada Baladweyne labadii bishaan xili habeen ah ayaa waxaa uua argagax ku abuuray dadka magaalada.


Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada qeybta 27aad oo dacwadda kusoo oogtay ragaas ayaa soo bandhigaty eedaha ragaan iyo marqaatiyaal, iyaga oo dalbaday in dadkaasi Cadaalad la marsiiyo.


Sidoo kale waxaa goobjoog ahaa maxkamada Qareenada u doodayay raggaan waxayna soo bandhigeen difaaca dooda loo haysto raggaan.