Somali News

Maxkamada Ciidamadda oo saakay dil toogasho ku fulisay Askar katirsanaa Ciidanka Dowlada

Maxkamada Ciidamadda Qalabka Sida ayaa aroortii hore ee saakay dil toogasho ah ku fulisay afar askari oo ka tirsanaa Ciidamada qeybahooda kala duwan kuwaasi oo ay Maxkamadu sheegtay inay dileen askar kale oo shaqa wadaag la aheyd.

Maxkamada ayaa sidoo kale sheegtay in raga saakay toogashada lagu fuliyay ay ka kala tirsanaayeen Ciidmada Booliska, Militiriga & Nisa.

Magacyada Ragga saakay dilka toogashada ah lagu fuliyay ayaa waxay Maxkamadu ku kala sheegtay 

1- Bukhaari Cawil Maxamuud oo NISA ka tirsanaa.
2- Cali Maxamuud Xuseen oo Military-ga ka tirsanaa.
3- Cabdirisaaq Axmed Mukhtaar oo Boliiska ka tirsanaa.
4- Maxamed Nuur Sheikh Warre oo isna Boliiska ka tirsanaa.

Maxkamada Ciidamadda Qalabka Sida ayaa dhowrkii maalin ee lasoo dhaafay xukuna kala duwan ku ridey Eedeysanayaal kuwaasi oo isugu jiray askar iyo xubno katirsan kooxda Al shabaab iyadoona maxkmadaa saakay ay dil toogasho ah ku fulisay afar askari oo ku eedeysnaa dilka askar kale.