Somali News

Maxkamada CQS oo xukun kuriday askari loo heysto dilka askari kale

Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maanta xukun dil toogasho ah ku riday Cabdishakuur Ahmed Maxamuud oo loo haysto dil uu ugeystay Xasan Maxamed Shire oo ahaa askari shaqa wadaag ay ahaayeen.

Eedeysane Cabdishakuur Ahmed Maxamuud ayaa kudoodey inuusan si bareer ah udilin marxuum Xasan Maxamed Shire oo ay kawada tirsanaayen ciidanka dowlada.

Xeer ilaaliyaha Maxkamada General Cabdulaahi Buula Kamey iyo Ku xigeenkiisa Maxamed Cabdulahi Khaliif ayaa maxkamada ka codsaday in eedeysanaha lagu fuliyo xukun uqalma ciqaabta dambiga uu galay.

Dhageysiga Maxkamadeed ka dib Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Soomaaliya Korneyl Xasan Cali Nuur Shuute Ayaa ku dhawaaqay in eedeysane Cabdishakuur Ahmed Maxamuud ay Maxkamadda ku xukuntay dil toogasho ah.